Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa si faahfaahsan uga hadlay qorshaha ciidamada Qaranka ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga iyo bixitaanka ATMIS,
Wasiir Jaamac ayaa yiri: “Ciidamada Qaranka ayaa la wareegi doona dhamaan mas’uuliyadda amni ee dalka oo ay ku jirto dekada Muqdisho iyo gegada Diyaaradaha ee Aadan Cadde”,
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in bixitaanka ciidamada ATMIS ay ku socoto istiraatijiyad ciidan oo si weyn looga baaraan degay, isagoo carabka ku adkeeyay in dekadda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cade ay yihiin goobaha ugu dambeeyay ay ka bixi doonaan ciidamada ATMIS,
Wasiirka oo soo hadal qaaday mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladdu ay darseyso in howlgalka uu qaab kale yeesho ka dib December 2024-ka,
Ugu dambeyn, wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay hubka ka dhigto cid kasta oo si sharci darro ah u adeegsata,