
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula qaatay ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho,
Guddoomiayaha ayaa ku xigeenka Qaramada Midoobay ku ammaanay intii ay Xafiiska joogtay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay dalka u qabatay, waxaana uu ku boggaadiyay taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay siiso oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib u heshiisiinta, la dagaallanka kooxda Khawaariijta, iyo kaalmeynta arrimaha bini’aadanimada,
Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa inta ay Soomaaliya joogtay kala shaqeyso dowladda Soomaaliya arrimo badan oo la xarriiro hormarka dalka iyo dadka,

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






