Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Guddaha, Dib u heshiisiinta oo garaay Baydhaabo,

462
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka Sare Sanatar Deeqo Xasan Xuseen ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka KGS,
Wafdiga guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada dowlad gobaleedka KGS Xildhibaan Irshaad Maxamed Aadan Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi,
Inta wafdiga guddoomiyaha ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka Konfur galbeed, kuwaasi oo ay kala hadli doonaan qodob muhiim ah oo ku saabsan xiriirka dowlad gobaleedyada iyo iyo Aqalka sare,