Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda FS oo xoojinaysa dadaalada gurmadka fatahaadaha

471

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda FS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey midaynta hawlaha gargaarka ee loogu gurmanayo degmooyinka iyo deegaanada ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka lixaadka leh ee ka dhashay roobka Dayrta.

Kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta hay’adda iyo guddi matalaya bulshada gobolka Gedo oo fatahaaddu saamaysay, ayna hormuud ka yihiin wasiirro heer federal ah, kuwa heer dawlad goboleed ah, siyaasiyiiin iyo samafayaal ka tirsan Hey’adda Alraxma.

Xubno ka tirsan guddiga bulshada gobolka Gedo ee isku xilqaamey wax ka qabashada fatahaadaha gobolkaas ku dhuftey ayaa sheegey in ay diyaariyeen illaa iyo hadda 7-doomood oo taalla Muqdisho iyo gurmad kale, ayna gacan uga rabaan dawladda sidii halkaas lagu gaarsiin lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa guddiga gobolka Gedo uga mahadceliyey dadaalkooda, wuxuuna soo dhoweeyey wada shaqayn dhow iyo isku xirnaan dhexmarta dadaalada bulshadu ay waddo iyo kuwa dawladda federaalka ah ay hormuudka u tahay taasoo wadajirkeeda ay ku badbaadi doonaan dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka malyanka kor u dhaafay ee ku barakacey ama ay

Sh