Kulan ay soo agaasimeen Guddiga gurmadka fatahaadaha Jubbaland oo lagu qabtay magaalada Kismaayo,

347
Kulan ay soo agaasimeen Guddiga gurmadka fatahaadaha Jubbaland oo lagu qabtay magaalada Kismaayo
Shirkan oo ay so agaasimeen Gudiga gurmadka fataadaha ee uu dhowaan magacaabay Madaxaweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka dhacay hoolka shirarka daawad ee magaalada Kismaayo,
Shirka waxaa kasoo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland ahna gudoomiyaha gudiga gurmadka fatahaadaha Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, qaar ka mid ah golaha wasiirrada Jubbaland, Gudoomiyeyaasha gobalada Gedo iyo J/dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, ururka Haweenka iyo qeybaha kale duwan bulshada rayidka ah,
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii uu gudigu uga warbixin lahaa baaxadda dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha iyo daadka Roobka deyrta oo ay ku dhinteen ku dhowaad 18 qof iyo sidii wax looga qaban lahaa masiibada fatahaadaha,