Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska Ufadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey,
Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Michael oo kulankooda ay ka qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada.
Gargaarka iyo Howlaha guud ayaa laisaga Waraystay Saamaynta Fatahaadka Biyaha, Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Xoojinta Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Loogu adeegayo Bulshada,
Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in Socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ay tahay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd Ugur Mashada Dadka Saameynta ku yeeshay Fatahaadka Biyaha iyo sidii ay u taageeri lahayeen Dadaalka Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed ee Daadejinta Adeegyada Dowladda,