Roobabka ka da’aayey degmada Kismaayo ayaa saamayn xoogan ku yeeshay dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha barakaca ee xaafada dalxiiska ee magaalada Kismaayo,
Xerada Barakaca ee Kaam Matiireey ayaa ka mida goobaha ugu daran.
Xeradaas oo samaayn xoogan uu ku yeeshay roobka waxaana ka barakacay qoysas lagu qiyaasaayo ilaa 200 qoys sida uu Radio Kismaayo u sheegay Gudoomiyaha xerada Kaam Matiireey,
Dadkaan barakacayaasha oo aan awalba ay haysatay hooy xumo ayaa hadda waxaa saamayn kale oo nololeed ku yeeshay daadaadka ka dhashay roobabka. Waxaana uu ka qooyey Raashinkii iyo agabkii Jiifka ee ay isticmaalayeen.
Qar ka mida dadka ay roobabka saamaynta ku yeesheen ayaa ka warbixiyey sida uu roobka u saameyey iyo Xalada kaamka Matiireey.
dadkani ayaa sacadihi uu danbeeyaay sameyn Xogaan ku yeeshaay roobaabki da’ay iyago ka barakacay Goobihi ay daganayeen,
Dhanka Kale waxaa aan xaaladda guud xerada barakaca ka waraysanay Gudoomiyaha Xerada Kaam Matiireey Shuceyb Cabdi Bilaal oo nooga waramay saamayn xoogan ee dadka ku yeesheen Roobabka.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in kaamka uu ubahan yahay in loo gurmado Sido kale Gomiyaha kaam kamatiireey Shucayb abdi bilal Ayaa waxaa uu ka hadlay
Saameynta roobki Habeen hore ee ka da’ay kismayo Iyo saameynta balaran ee uu ku yeeshay dadka dagaan kamaamka barakaca ah
sidoo kale waxa uu baaq u diray wasarada gar gaarka iyo hayadaha samafalka in ay la so gaaran gar gaar dag dag ah,”