Buundada Baardheere oo go’day ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabka

560

Waxaa maanta go’day Buundadii Baardheere oo halbowla u ahayd isku socodka degmooyinka gobolka Gedo, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabka ka da’ay guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado.

Buundada ayaa iska celin weysay xajmiga biyaha wabiga oo fatahaad sameeyay, taas oo sawir guud ka bixinaysa qatarta ka dhalatay fatahaadda ku dhuftay gobolka Gado, xilli 4 qof ay ku dhinteen daadadka

Shacabka ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa walwal xooggan ka muujiyay go’doonka ay ku jiraan waxaana maanta la gaarsiisay laba dooni oo ka qeyb qaadan doonta gurmadka dadka ku go’doonsan xaafadaha magaalada.

Madaxweynaha Dowlad  Jubaland oo ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubaland ay yihiin 90,000 oo qoys waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey ayuu Madaxweynuhu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof.