Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo La Kulmay Ganacsatada

456

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.

Waxuu kula dardaarmay Ra’iisul Wasaaruhu ganacsatada in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.