Wasaradda Caafimaadka Jubbaland Oo Degmada Doolow Ka Dhagax-Dhigtay Bakhaarka Keydka Daawada

511
Wasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland ayaa Degmada Doolow ka Dhagax-dhigtay Bakhaarka keydka daawada.
Wasiir kuxigeeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo xubno katirsan Wasiirada Jubaland, Maamulka Gobalka Gedo, Gudoomiyaha Degmada Doolow iyo Guddiga Dhismaha isbitaalka weyn ee Gedo ayaa ka qeybgalay munasabadda Dhagax-dhiga.
Bakhaarkan ayaa loogu talagaley in lagu keydiyo dhamaan dawooyinka soogala Gobalka Gedo isla markaana laga maamulo dhamaan daawada lageynayo deegaanka Gobalka waxayna qeyb ka tahay gaaritaanka yoolka horumarinta Caafimaadka guud ee Jubaland, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda Caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta iyo maaraynta Caafimaadka.