Maxkamadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku xukuntay Rag dilal geystay

440

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay xukun Dil toogasho ah ku riday laba Nin oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaasi oo magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka geystay dilal iyo falal amni darro.

Ragga xukunka lagu riday oo lagu kala magacaabo Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (Iidow) ayaa horey Maxkamadda darajada Koowaad ugu xukuntay Dil bishii May 22-keedii Sanadkan 2023.

 

 

Janaraal Liibaan Cali Yarow oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka toogashada ah ee Maanta lagu riday Anas Cabduqaadir iyo Aadan Mursal oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Anas iyo Aadan ayaa hore magaalada Gaalkacyo dhinacyadeeda ugu Dilay dad badan, iyagoo dilay xilliyada salaadaha Masjidka marka ay soo oogeen Kedib, waxaana kamid ah Dadkii nolosha ay dhaafiyeen Cilmi CaliĀ  Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad & Maxamed Jaamacad Maxamed.