Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyay qaraar lagu dalbanayo in dastuurka la Furo

423

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay soo jeedintiii xildhibaanada Gobolka Awdal ee ay ku dalbanayeen in dastuurka la furo.

Qodobadii ay soo saarreen khamiistii xildhibaanadda gobalka Awdal oo wax ka bedal lagu sameeyey ayaa saaka gollaha Wakiiladu cod Aqlibiyad leh ku ansixiyeen.

 

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa qaraar gole ku ansixiyay Qodobadii soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah go’aamada.

73 xildhibaan oo fadhiga jooga ayaa dhammaan u codeeyay Qaraarka.

Qodoobada uu gollaha ansixiyay ayaa waxaa kamid ah In KominshankuDoorashooyinka dib u eegis ku sameeyo goobaha cod bixinta ee Gobalka Awdal iyo sidoo kal In Madaxweyne Muusa Biixi dib u eego saamiga gobalka reer Awdal.

Sidoo kale gollaha ayaa ansixiyay in xukuumada Somalililand ay si cadaalad ah u qeybiso mashaariic-da tix galin gaar ah na siiso gobalka Awdal gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.