Antoine Griezmann Oo Daboolka Ka Qaaday Sirta Ka Dambaysa Inuu Dib U Helay Qaab-ciyaareedkii Kaga Lumay Barcelona

217

Xiddiga reer France ee Antonie Girezmann ayaa daboolka ka qaaday sababaha ka caawiyey in uu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee ka lumay markii uu u wareegay Barcelona, balse uu mar kale noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan markii uu kusoo laabtay kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Antonie Girezmann oo ay da’diisu tahay 32 jir ayaa Khamiistii u dhaliyey kooxdiisa mid ka mid ah goolashii ay ku garaaceen Osasuna, isaga oo si buuxda u qaatay doorka hoggaaminta kooxdaas.

Natiijada 2-0 ah ee ay ka gaadheen Osasuna, Atletico Madrid ayaa kusoo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Premeir League, iyaga oo usbuucii horena si xun u garaacay Real Madrid.

Atletico Madrid ayaa waxay gaadhay heer ay ku riyooto in ay ku guuleysanayso horyaalka LaLiga markii saddexaad muddo toban sannadood ah, maadaama goolasha ay dhalinayaan, difaacooda adag iyo qaab ciyaareedkooda cajiibka ah ay in abuurayaan in loo saadaaliyo horyaalka.

Antonie Girezmann ayay warbaahintu weydiisay waxa ka caawiyey in uu dib u helo qaab-ciyaareedkiisa, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Naftayda ayaan sharad la galay, taas ayaa ii suurtogelisay in aan horumar sameeyo.