Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo ka qayb galay shirka Madasha wadatashiga Qaran ee maanta ka furmay Dhuusamareeb.

370
Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qayb galay shirka Madasha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Shirka madasha wadatashiga qaran ee uu daahfuray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa looga hadlayaa dardargalinta howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo Arimaha Siyaasadda guud ee dalka.
Shirka Madasha waxaa marti galiyey Dowlad Goboleedka Galmudug iyadoo ay kasoo qayb galeen Ra’isul wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Bare, Ra’isulwasaarw kuxigeenka mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.