Masuuliyiinta iyo shacabka Bacaadweyn oo sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgalka khawaarijta

419

Masuuliyiinta iyo shacabka Bacaadweyn oo sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta

Waftiga uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee JFS Mudane Axmed Xassan Aadan qeybna ay ka yihiin xildhibaannada heer federaal iyo heer dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Huurshe ee gobolka Galgaduud.
kulan ay la qaateen mas’uuliyiinta deegaanka, qeybaha bulshada iyo culimada waxay ka wareysteen xaaladda deegaanka iyo abaabulka ka dhanka Khawaarijta ee looga xoreynayo deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug.
Mas’uuliyiinta iyo bulshada reer Huurshe ayaa u sheegay waftiga inay diyaar ula yihiin garab istaagga xoreynta deegannada cadowgu haysto, kulanka ayaa ku soo dhammaaday isfaham iyo guul.