
Khamiistii la soo dhaafay ee 3-dii Agoosto, 342 askari oo ka tirsan Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab ayaa loo soo gabagabeeyey
barnaamij tababar ciidan oo aasaasi ah. Xafladda qalin jabinta oo lagu qabtay
Balidoogle ayaa waxaa ka soo qeyb galay Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee
Soomaaliya Shane Dixon, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir
Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye
Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddow.
"Idinka, iyo ciidamada kale ee Soomaaliyeed, waxaad fursad u leedihiin in aad
dhistaan mustaqbalka Soomaaliya, oo uu ugu horeeyso amniga," ayuu yiri Mudane
Dixon. “Dowladda Maraykanka wa idin gabar taagan tahay dadaalkan. Waan sii
wadi doonnaa taageerada aan idin siineyno si aad nabad iyo barwaaqo ugu soo
dabaalisaan dadka Soomaaliyeed”.
Askartan cusub ayaa ku biiraysa in ka badan 1,700 oo askari oo ka tirsan
Kumaandooska Danab kuwaas oo laba iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay door
muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, oona sahley xoreynta in
ka badan boqol magaalo iyo tuulooyin ku yaalla bartamaha Soomaaliya oo ay
kooxda argigixisada ah ka geysan jirtay dhibaatooyin iyo baad.
Dowladda Mareykanka ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ku taageereysa
ololaha ay ku wiiqineyso awoodda Al-Shabaab taaso sahleysaa in aysan ka fulinin
weeraro gobolka oo dhan, isla markaana ay ka hortageyso maalgelinta sharci
darrada ah, iyo in argagixisada aysan Soomaaliya ka dhigin gabaad khatarta ku ah
amniga Soomaaliya, Mareykanka, iyo danaha Mareykanka ee Bariga Afrika.
Kaalmadaha ciidan ee Maraykanku uu bixiyo waxay kabeysa dadaallada
diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee loogu jiro sidda loo hormarin lahaa
barwaaqada iyo dimuqraadiyadda labada waddan.