
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka , iyo dib u hishiisiinta Dowlada Jubbaland mudane Mohamed Ibrahim Ogle iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada baardheere ee gobolka gedo .
Maamulka gobolka , kan degmada , culumada, ururuada haweenka , dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa soo dhaween balaaran u sameeyay Wasiirka iyo wafdigiisa.
Wasiir Oogle ayaa magaalada dhex maray isagoo booqday goobo ay kamid yihiin xarunta degmada , saldhiga degmada iyo buundada degmada Baardheere .
Ugu dambeen Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland ayaa dhagax dhigay sadex mashruuc kuwaas oo kala ah Isbtibaalka degmada oo dhismo cusub lagu kordhinayo , Biyo galin nadiif ah oo ay magaaladu yeelato iyo guriga martida oo dib loo dhisayo kadib markii ay burburiyeen kooxaha nabadiidka ah .






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







