Gdoomiyaha gobolka Gedo mudane Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) oo ay wehelinayeen gudoomiyaha degmada Garbahaarrey Xassan Sheekh Cilmi, Madaxa arrimaha bulshada, Taliyaha Nabad Sugidda degmada Garbahaarrey iyo Talyaha Booliska degmada ayaa kormeeray Isbitaalka magaalada Garbahaareey.
Gudoomiye Cabdullaahi Shimbir ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono Isbitaalka si bulshada ay u helaan adeeg caafimaad oo dhameystiran.
Gudoomiyaha cusub ee gobalka Gedo ayaa waayanba wada howlo baaxad leh oo dib loogu habeenayo adeegyada bulshada laga maar maarka u ah si loo helo adeeg hufan oo gaara bulshada Gobalka Gedo .