ATMIS  oo wareejisey ilaa 7-saldhig oo ay horay Soomaaliya uga joogeen 

595

-Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in wadar ahaan 7 saldhig ay wareejiyeen kuwaasi oo loo qoondeeyay in lawareejiyo si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari.

Saldhigyadda ay baneeyeen ayuu ku sheegey inay kala yihiin Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF).

Saldhiga Gherille oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa Ciidamaka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS halka Saldhiga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka caasimadda Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah ATMIS.