Wasaaradda kallumaysiga Jubbaland oo digniin u dirtay kalluumaysatada ka shaqeeya xeebaha deegaanada Jubbaland

581

Wasaaradda kalluumeysiga Jubbaland oo ugu baaqday dadka kulmeystada ee deegaanada Jubbaland in ka taxadaraan xiligan bad-xidhanka galista badda iyo in ay meelo fog fog u kaluumaysi tagaan.

Agaasimaha waaxda kulluumeysiga ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Gini Cabdullaahi Xassan ayaa Kaluumaystada Jubbaland ugu baaqaday in xiligaan ay ka taxadaraan qataraha ka imaan kara badda,Maadama ay jiraan dabaylo xoogan iyo waliba badda oo xiligaan kacsan.

Agaasimaha waaxda Kaluumaysiga ayaa sheegtay in sanadkii hore ay kaluumaysato badan ay dhibaato ka soo gaadhay dabaylaha ka jirta gudaha badda iyo xiligan oo is-beddeshay cimillada.

Dhanka Kale Sare u kac aad u xoogan ayaa laga dareemaya Suuqa Kalluunka ee magaalada Kismaayo,iyadoo uu hoos u dhacay kalluunkii imaan jiray suuqa ee ay keni jireen Kaluumaysatada magaalada Kismaayo.
Qiimaha Kiilaha Kalluunka ayaa manta suuqa lagu kala iibsanaayey lacag dhan 130,000 shilin Somali ah oo u dhiganta shan dollar.

Si kastaba ha ahaate waxaa xiligaan oo kale hoos u dhaca wax soo saarka dhinaca badda, Taas oo saamaysa dad badan oo siyaabo kala duwan ugu tiirsan shaqada kalluumaysiga.