Dowlada Somaaliya oo bilaabaysa dhoofinta hilibka xoolaha

647

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay),oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in wasaaraddu ay da’daal badan ku bixineeyso sidii looga faa’iideysan lahaa dhoofinta Hilabka xoolah, oo sida uu sheegay ka faa’iido badan dhuufunta xoolaha Nool.

’’Dhoofinta Xoolaha Nool waxaa nooga faa’iido badan Mashruuca Dhoofinta Hilibka, Maal-maha soo socda ayuuna si rasmi ah u furmayaa Dhoofintiisa’’.sida ayuu yiri wasiir Xasan Xuseen

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in manaafacaad badan laga helayo Mashrucaasi,sida in shaqa abuur badana ay ka helaan dhalinyarada Soomaaliyeed,islamarkana ay dowladda ay dib u furtay Suuqa  cusub ee Boqortooyada Sacuudiga,kaa oo dhawaan loo dhoofin doonno Hilibka Xoolaha sida wasiirku sheegay.

Wasiirka waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in kan wasaarad ahaan ay ka shaqeyn doonaa sidii wadama kale loogu dhoofin lahaa Xoolaha,si ay ugu qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.