Maxaa looga hadlay Shirweynaha isku-dubbaridka xasilinta qaranka ee kismaayo ka furmay?

577
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku daahfuray Shirweynaha isku-dubbaridka xasilinta qaranka oo ay kasoo qeybgaleen Wasaaradaha arimaha gudaha heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ururada iyo Dowladaha Taageera Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkan kaga hadlay dhinacyo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ahmiyad weyn ay leedahay sidii tageero dhamaystiran loo gaarsiin lahaa goobaha la xoreeyay iyo Kuwa hada kadib la xorayn doono isla markana ay u baahan yihiin dadka halkaas ku nool adeegyada bulshada iyadoo Jubaland ay diyaarisay Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo hay’adaha adeega bulshada ee ka howlgali lahaa goobaha la xoreeyay.
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in tageerada dadka ku nool goobaha la xoreeyay ay uga baahi badan yihiin in la hayo goobahaas oo ayna dib u qabsan argagixisada taas oo sababaysa in nolosha bulshadu ay si tartiib tartiib ah usoo noqoto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kaalmada Caalamiga ah ee loogu tala galay dadka ay sameeyeen abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dalka ka dhaca ay tahay in la mariyo hay’adaha Dowliga ah si looga fogaado musuq iyo wax is dabamarin isla markana loo awood siiyo hay’adaha Dowliga ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in Jubaland ay diyaar garowgii ugu danbeeyay ugu jirto wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah argagixisada.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ka hadlay Xaalada Gobolka Gedo isagoo xusay in gobolkaas ay ka jirto siyaasad uu ka tagay rajiimkii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo isla markana Jubaland ay u aragto in dhismaha maamulka Gobolka, dib u heshiisiin iyo in dib loo fasaxo mashariicda gobolka ka baaqday ay yihiin arimo aan la siyaasadayn karin.
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada Dowladaha dariska ah ee ka qeybgalay dhinaca gobolka Gedo ay u baahan yihiin maaamul sharci ah oo ay la shaqeeyaan iyo Ciidamo heer Dowlad Goboleed ah oo ay la howlgalaan taas oo meesha ka maqana ay dhabar jab ku tahay dagaalka lagu xoraynayo dalka.