Masuuliyiin iyo Injineero ka socda xafiiska Raiisulwasaaraha oo qiimeyn ugu tagay garoonka diyaaradaha Afmadow

519
Masuuliyiin iyo Injineero kasocda xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose halkaas oo ay u tageen qiimeyn ay ku sameenayaan dhismaha garoonka diyaaradaha ee cusub ee ay bulshadu ku bilaabeen si isxilqaan ah.
Ujeedka socdaalka Masuuliyiinta iyo Injineerada kasocda xafiiska Raisulwasaaraha ayaa ahayd bal in qiimeyn dhinacyo badan ah ay ku sameeyaan garoonka diyaaradaha ee sida isku tashiga ah ay ku bilaabeen dadka ku nool degmada Afmadow.
Raisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa door wanagsan ka qaadanaya sidii degmada Afmadow ay u heli lahayd garoon diyaaradeed oo si heer sare ah loo dhisay kaas oo dabooli doona bahiyo badan oo waqtigan ka taagan degmada waxa uuna door muhiim ah ka qaadan doonaa kobaca dhaqaale ee degmada Afmadow.