Madaxweynaha Jubbaland oo saraakiisha Ethopia kala hadlay amniga iyo dagaalka argagixisada

669
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee ka hawlgala Jubbaland Kornel Wedaj Bogale.
Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda Amni ee Dalka gaar ahaan sidii loo dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Alshabaab iyo Taageerada hawlgalada Ethiopia ee Soomaaliya.
iyada oo dowlada somaaliya dhawaan ku dhawaaqday wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta lagaga xoreynayo deegaanada ka maqan dowlada ayaa Jubbaland waxaa ay diyaar garow adag ugu jirtaa sidii ay uxoreyn lahayd deegaanada ka maqan gacanta dowlada
dhawaan ayay eheed markii ay ciidanka dowlada Jubbaland ay la weegeen deegaanka Janaay cabdalla oo marin muhiima u ahaa kooxda khawaarijta Alshabaab iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose walina waxaa ay ciidanka daraawiishta Jubbaland oo garab sanaya kuwa xooga dalka ay baacsanayaan nabad diidka Alshabaab si looga xoreeyo deegaanada kale ee maqan .