Dhageyso:Maamulka degmada kismaayo oo digniin adag udiray dadka xoolaha ku dhaqda gudaha magaalada .

644

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Radio Kismaayo gudoomiye ku -xigeenka Degmada Kismaayo Daahir Yuusuf Cabdi ayaa waxa uu uga hadlay dhinacyo kala duwan oo khuseeya amniga iyo gaar ahaan xoolaha lagu soo daayo suuqyada Magalada Kismaayo taasi oo hoos udhigaysa nadaafada magaalada .

Waxa uu sheegay in dadweynaha ku nool Kismaayo ay dhibaato ku qabeenĀ  gaar ahaan gaadiidlayda iyo ganacsatada xoolaha gaaf wareegaya goobaha ganacsiga magaalada iyo wadooyinka hal bowlaha u ah magaalada iyadoo inta badan cabashadooda ay soo noq noqotay.

Guddomiye ku-xigeenka degmada Kismaayo oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray inay baadiyaha u direen xool badan oo ay magaalada ka qabteen kuwaaas oo gaaraya ilaa 200 neef oo isigu jira adhi iyo lo’ waxa uu sheegay in shaqaala raaca ay u sameeyeen waxaan taas loo yeelay in bulshada laga dul qaado dhibaatada ay ku hayaan xoolahaas.
Isagoo ku Booriyay inay xoolohooda u foofiyaan halkii ku hanooneed si looga hortago inay dhibaato gaystaan
Waxaa uu ugu danbayn digniin adag u diray dadka xoolaha kusoo daaya magaalada isaga oo sheegay in xoolihii lagu arkaa magaalada dhexdeeda ay dowlada la wareegi doonto masuuliyadooda sidii ay doontana ay ka yeeli doonto.