Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Madax ka socotay xafiiska Qramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Wafdigan oo uu hogaaminayey madaxa UNSOM qaybta Jubbalnd ayuu Wasiirku la qaatay kulan isugu jiray is-barasho iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Dowladda Jubbaland.
Dhinacyada ayaa sidookale kawada hadlay howlaha mashaariicda ee qaramada midoobay ka fulin doonto deegaanada Jubbaland iyada oo xooga la saarayo howlaha horumireed oo ay qaramada midoobey ka wado Somaaliya