Ciidamada ammaanka deegaanka Gubadley ayaa gacanta ku dhigay Nuur Cabdullahi Axmed {Diimoow) oo ku eedeysan inuu saaka deegaankaas ku dilay Marxuum Kunciil Kadiye Guure Ina Aamino Xuseen Macallin.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Dayax ee deegaanka Gubadley waxaana uu gacan ku dhiigluhu ku fuliyay Qori AK47 ah, masuuliyiinta deegaanka ayaana u sheegay Warbaahinta Qaranka in ruuxa dilka geystay gacanta lagu dhigay sharcigana la horgeyn doono.
Taliyaha Saldhigga deegaanka Gubadley L/X/lle Xasan Axmed Rooble {Laba garas} ayaa sheegay in eedeysanuhu aanu ka tirsaneyn ciidamada dowladda oo uu ahaa maleyshiyo deegaanka ah.