Madaxweyne Xassan Sheikh oo difaacay Go’aanadii kasoo baxay Golaha wada-tashiga Qaran

604

Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka JFS ayaa sheegay in uu Baarlamaanka iyo shacabka soomaaliyeed u xaqiijinayo in wax kasta oo kasoo baxa Golaha wada-tashiga qaran ay yihiin heshiis siyaasadeed oo laysku waafaqay

Sidookalana uusan dalka ka shaqeenayn sharci aysan ansixin Golaha shacabka JFS Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay inaanan wal wal laga qabin goaanada kasoo baxa Golaha wada-tashiga qaran.

Madaxweynaha oo adkeenayay kaalinta shacabka soomaaliyeed ay dalka ku leeyihiin ayaa sheegay in ay rajadu tahay in shacabka talada dib loogu celiyo Baarlamaankuna waxaa uu ugu baaqey inay sii daa dihiyaan geediga dheer ee loo socdo.