Dhageyso:Wasaaradda Xanaanada xoolaha Jubbaland oo shaacisay xanuun cusub oo ku dhacaya Geela

762

Cabdi Qani Maxamad Jaamac oo ka mid ah Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland gaar ahaan Waaxda Dabagalka Cudurada ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay cuduro ku dhaca xoolaha,gaar ahaan Geella Waxaana uu sheegay in deegaanada Jubbaland xoola dhaqatada ku nool ay la kulmeen cudur cusub oo aan la garanayn waxa uu yahay.

Cabdi Qani ayaa sheegay in ku dhawaad in ka badan 3,500 oo neef oo geella ay u dhinteen cudurkan cusub,walina wasaaraddu ay baadhintaan ku hayso nooca xanuunkan iyo waxyabaha lagu dabiibo-karo xanuunkan dilaya geela yar yar iyo mid ka waynba ayaa ah cudur ku hor leh deegaanada Jubbaland sida ay sheegtay wasaaradda xanaanada xoolaha Jubbaland.

Deegaanada uu Cudurku ka dilaacay waxaa kamid ah Baardheere,Ceelwaaq,Kismaayo iyo Dhoobley

Isagoo hadalkiisa siiwata Cabdi Qani Maxamad Jaamac Madaxa Xafiiska Dabagalka xanuunada Xoolaha Waxaa uu Sheegay in ka Wasaaradd ahaan ay Sameeyeen Baaritaan iyo gacansiinta Xoola dhaqatada ay Xoolahooda bukaan.