Shirka golaha wada tashiga Qaran oo maanta ka furmay Muqdisho

559

Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta oo Arbaca ah ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa qeyb ka ah madaxda maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

kulanka ayaa looga hadlayaa xaaladda Amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgallada lagu soo afjarayo khawaarijta, dhameystirka arrimaha deyn cafinta iyo dhaqan gelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.