Wasiirka maaliyadda jubbaland oo ka qayb galay shir looga hadlayo dar-dargalinta hawlaha maaliyadda dalka.

496

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane: Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal) oo uu qayb ka yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamuud Cabdi Axmed ayaa ka qeyb galay Shirka Guddiga Hoggaaminta Kheyraadka Guud ee Soomaaliya Wajigiisa Labaad (PREMIS2) oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Xoghayeyaasha Joogtada ah, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo DFS Sida: Jubaland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed,gudiga shaqaalaha rayidka heer federaal iyo heer dowladaha xubanha ka ah sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wakiilo ka socday foreign, Common Wealth & Development Office – FCDO iyo PREMIS2.

Ujeedada shirku waxaa uu ahaa in laga doodo oo la ansixiyo Shuruudaha Tixraaca ee Guddida Hagida iyo Siday ay u shaqeeyaan, warbixinta wajiga koowaad ee PREMIS2, in la isla meel dhigo qorshe hawleedka PREMIS2, iyo