Hay’adda Amnesty oo ku baaqday in la ilaaliyo Xuquuqda Suxufiyiinta & xarumaha ay ka howlgalaan.

460

Hay’adda U doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in guud ahaan la ilaaliyo xuquuqda Suxufiyiinta iyo Xarumaha ay ka howlgalaan si looga hortago waxyeello soo gaarta ama la gaarsiiyo.

Bayaan kasoo baxay Amnesty International ayaa lagu sheegay in waddamada kasoo kabanaya colaadaha & dagaallada sokeeye ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeellada lagu gaarsiiyo Suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.

Waxa ay ku baaqday in la ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin, si mas’uuliyad & xilkasnimo ku dheehan tahay ayay soo jeedisay Amnesty in loola dhaqmo si looga hortago kororka dhibaatooyinka ka dhanka ah Suxufiyiinta.

Dunida waxaa maanta laga maamuusayaa 3da May oo ah maalinta loo gooni yeelay “Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka” inta ay munaasabaddu lagu howlan yahay waxaa lasoo bandhigaa dhibaatooyinka loo geysto Suxufiinta & xarumaha ay ka howlgalaan.

Hay’adda qaabilsan difaaca iyo kahortagga waxyeellada la gaarsiiyo Suxufiyiinta ee CPJ loosoo gaabiyo ayaa bayaan ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in loo baahan yahay in lasoo afjaro dambiyada aan la xisaabtanka lahayn ee Suxufiyiintu loo geysto.

Waddamada ugu badan ee lagu dhibaateeyay Suxufiyiinta 30kii Sano u dambeeyay waxaa kamid ah Soomaaliya, Suxufiyiin badan ayaa naftooda ku waayay beegsi toos ah & dhacdooyin ay la kulmeen, qaar ayaa dhaawacmay, kuwo ayaa dalka isaga tagay halka qaar kale ay u dhabar-adeegeen dhibaatooyinka lasoo dersay.