Waxaa sii kordhaya murashixiinta isku soo taagaya qabashada duqa magaalada Toronto ee dalka Canada, xilli dadka reer Toronto oo kuwa Soomaalida ay ku jiraan ay dalbanayaan in wax laga qabto arrimo ay ka mid yihiin nabadgelyada iyo guriyeynta.
Doorashadan ayaa imaaneysa xilli uu is-casilay duqii hore ee magaalada Toronto.
Soomaalida ayaa aad u daneyneysa doorashadaan maadaama bilihii la soo dhaafay ay ka cabanayeen Amni darro, isla markaana la dilay qaar kamid ah Soomaalida.