Iran oo Sucuudiga u diraysa wefdi dib u fura safaaradda ay ku leeyihiin Riyadh

404

Wefdi farsamo oo ka socda dalka Iran ayaa toddobaadkan booqan doona dalka Sucuudiga si ay ugu diyaargaroobaan furitaanka safaaradda Iran ee Riyadh, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ISNA.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay maalmo uun ka dib markii wasiirada arrimaha debedda ee Iran iyo Sucuudigu ay Khamiistii ku kulmeen Beijing, kaas oo ahaa shirkii ugu horreeyey ee rasmi ah ee dhex mara labada wasiir arrima debedeed ee labada dal, muddo toddoba sano ah.

Shiinaha ayaa ka odayeeyey heshiiska labada dal dhex maray ee dib loogu soo celiyey xiriirkooda diblomaasiyadeed.

“Wefdiga farsamo ee dalka Iran ayaa booqan doona safaaradda Iran ee ku taalla Riyadh, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan diyaargarowga dib u furista safaaraddooda” ayaa lagu yidhi qoraal ay daabacday wakaaladda wararka ee ISNA.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Sucuudiga ayaa sheegtay Sabtidii in wefdi ka socda dalkoodu inuu booqday Iran si ay dalkaas ugala xaajoodaan, dib u furista safaaradda ay ku leeyihiin Tehran.

Weftiga ayaa maanta oo Axad ahayd booqday safaaradda Sucuudiga ee Tehran.