
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad oo kaashanaya ciidanka Nabadsugida jubaland ayaa howlgal qorsheeysan kasameeyay degaano ay kamid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus, oo katirsan gobolka Jubada hoose.
Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xds ee Danab Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in Ciidanka howlgalka kudileen 5 Maleeshiyaadka Al-Shabaab sidoo kalena nolosha lagu qabtay Xubno kale iyo 5 Ak47 ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada iyo degmooyinka katirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Degaannada Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa meelo kamid ah ku sigan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay wado guluf dagaal oo looga saarayo.