Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo La Kulmay Dhigiisa dalka Kenya

436

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi.

Taliye Odowaa Yuusuf Raage ayaa marka hore salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya, waxaana intaasi kadib uu kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya iyo saraakiisha sar sare ee ciidanka.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay wada shaqaynta iyo dagaalka adag ee lagula Al-Shabaab, kaas oo ka socdo gobollada dalka.

Kenya ayaa qayb ka ah dalalka dariska ah ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan deegaanada Jubbaland kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS.