Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS Marwo, Khadija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York uga qeyb galay kal fadhiga 67-aad ee shir sanadeedka Guddiga Xaaladaha Haweenka, kaas oo looga hadlo arrimaha horumarinta haweenka, waxaana sanadkan halku dhig u ah horumarinta haweenka hal-abuurka leh iyo isticmaalka tiknolajiyadda casriga ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirrada Haweenka dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah.
Wasiirka wasaaradda Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadija Maxamed Diiriye ayaa ku soo bandhigtay khudbad ay uga hadashay xaaladaha haweenka hal abuurka leh ee Soomaaliyeed iyo horumarka dhinaca tiknolajiyadda