Maxkamadda Ciidamada Puntland oo maanta toogatay 19 Rag ah oo lagu eedeeyay in ay geysteen Dilal & Qaraxyo.

383

Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso & Gaalkacyo waxaa maanta waqti isku mid ah toogasho wadareed loogu geystay 19 ruux oo dhammaan Rag ah oo ku eedeysnaa in ay katirsan yihiin maleyshiyaadka al shabaab & Daacish & askar dilal ka geysatay deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Raggaan ayaa xukunkooda soo maray heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Gobollada Nugaal, Bari & Mudug waxaana loo gudbiyay Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee DG Puntland oo ugu dambeyn dil toogasho ah ku ridday maantana ku fulisay.

13ka ruux ee ku eedeysnaa in ay katirsan yihiin maleyshiyaadka al shabaab & Daacish waxaa loo geystay in ay dilal iyo qaraxyo ay ka geysteen deegaannada DG Puntland ku dileen Dad Shacab ah, Askar iyo mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

6-da Askari ee maanta la toogtay waxa ay katirsanaayeen Ciidamada DG Puntland balse dilal ay u geysteen Dad rayid ah ayaa loogu xukumay toogashada ay ku fulisay Maxkamadda derajada koowaad ee Ciidamada Puntland.

Mas’uuliyiin katirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in maanta lasoo afjaray kiiska Raggaan gaaraya 13ka ruux ee ugu dambeyn lagu toogtay fagaare ku yaalla Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso & Gaalkacyo.

Xabsiyada saddexda Magaalo ee toogashada lagu fuliyay waxaa ku xiray Dad kale oo ku eedeysan in ay katirsan yihiin maleyshiyaadka al shabaab & Daacish isla markaana ay dileen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas, Askar & Dad kale.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee DG Puntland ayaa sheegay in qaar kamid ah Dad u xiran kiisas dilal iyo qaraxyo ah uu kusoo oogi doonno dacwad la xiriirka kiisaskaas loo heysto si loo maxkamadeeyo.