Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Oo Heshay Shahaadada ISO.

494

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015 kaddib markii ay martay hannaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horumarinta hab maamulka tayeysan, baaris & dib eegis dukumiintiyada hab maamulka & qiimeynta guud oo dhammeystiran.

Qoraal lagu daabacay barta Hay’adda Isgaariinta Qaranka ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay ka dhigan tahay in HIQ ay noqotay Hay’addii ugu horreysay ee Dowladda oo hesha Shahaadada ISO sida hadalka loo dhigay.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015, taasoo ka dhigeysa hay’addii ugu horreysay ee dowladda oo hesha shahaadada ISO. Si loo helo Shahaahada ISO, HIQ waxay martay hanaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horumarinta hab maamulka tayeysan, baaris iyo dib-eegis dukumentiyada habka maamulka iyo qiimeyn guud oo dhammeystiran” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ).

Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay dhiirragelineyso howlaha shaqo ee ay heyso si loo kordhiyo adeegyada looga baahan yahay, sidaas kale oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarka & tayada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ).

“Farxad gaar ah ayay noo tahay inaan guddoono shahaadadan caalamiga ee ISO, tanina waxay ka tarjumeysaa balanqaad joogto ah oo ay HIQ ku qaadaneyso dhaqamada ugu wanaagsan ee hab maamulka taysan. Waxay muhiim u tahay hirgelinta qorsheyaasha kor loogu sii qaadaayo hay’adda iyo soo bandhigidda isbeddel weyn oo ku yimaada hababka shaqada.” Ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Mustafa Yaasiin Sheekh, oo soo dhaweeyay guushan.

“Go’aanka aan ku buuxinay shuruudaha caalamiga ee Hab Maamulka Tayeysan waxay muujineysaa sida ay nooga go’antahay fududeynta iyo horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojidda dalka.” Ayuu hadalkiisa kusii daray Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin.