Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya horumarinta Kalluumeysiga iyo wax soo saarka badda

482

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Xassan Aaden iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Wasiirka ayaa inta uu joogo dalka Talyaaniga booqan doona magaalooyin kala duwan si uu u arko horumarka ay dowladda talyaanigu ka sameysay Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah.

Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa dhigiisa dalka Talyaaniga oo ay ka wada hadli doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta Kalluumeysiga iyo wax soosaarka badda, si loo gaaro horumar dhaqaale oo waara.