Mareykanka oo shaaciyay in Soomaaliya ay khatar ugu jirto xaalad macluul ah

508

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan, iyadoo Soomaaliya ay ka duwan tahay dalalka dariska la ah, maadaama iyada ay wajaheyso xaalado is-biirsaday oo ka dhashay abaaraha ku dhuftay dalka iyo dagaalka lagula jiro Al- Shabaab.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay haatan dhex dabaalaneyso gaajo, abaar iyo dagaal ay ku micneysay xaalad halisteeda

Iyadoo wareysi siineysay Idaacadda NPR fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, ayaa danjire Linda, waxay sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay gurmad deg deg ah si wax looga qabto abaaraha islamarkaana looga hortego macluul ka dilaacda dalka.

Waxaa sidoo kale ay xustay in abaaraha ay baabi’iyeen dalagyadii beeraha taasoo keentay in xoola dhaqatada ay waayaan cunno ay ku quudiyaan xoolahooda.

Qaramada Midoobay ayaa  ku qiyaastay in ka badan 1.7 milyan oo Soomaali ah in ay ka barakaceen guryahoodii.

Kumanaan dadkaasi ka mid ah ayaa soo buux-dhaafiyay gudaha iyo duleedka Magaalada Muqdisho si ay halaan gargaar bini’aadantinimo halka qaar kalena la soo warrinayo in ay ka talaabeen xadka Kenya ama Itoobiya.