Dowlad Goboleedka Galmudug oo Saldhigyo Booliis u sameyneysa Magaalooyinka laga qabsaday Maleyshiyaadka Al Shabaab

552

Wasiirka Amniga  Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in Magaalooyinka laga qabsaday Maleyshiyaadka Al Shabaab in dib looga hirgelinayo Saldhigyo Booliis si Ciidamadaas ay wax uga qabtaan falalka amniga liddiga ku ah.

Wasiir Gaboobe ayaa tilmaamay in Saldhigyadaan ay muhiim u yihiin in lala socdo fal dambiyeedyada ka dhaca Magaalooyinkaan, waxa uu bogaadiyay Ciidamo Booliis ah oo si is xilqaan ah shaqada usii billaabay.

Magaalo Xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug ayuu Wasiirka Amniga DG Galmudug sheegay in dib looga howlgelin doonno Saldhigga Booliiska oo ah mid qadiimi ah si ay ugu howlgalaan Ciidamada ammaanka.

Wasiirka Amniga  Galmudug ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada oo roondo  joogta ah ka sameeya Magaalooyinka laga qabsaday Maleyshiyaadka Al Shabaab ay laf-dhabar u noqon karaan kahortagga falalka amniga liddiga ku ah waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in Maamullo KMG ah loo sameynayo Magaalooyinka Maleyshiyaadka Al Shabaab laga qabsaday si maamulladaas ay u diyaariyaan dhismaha golaha deegaanka oo dooran doonna Guddoomiye, ku xigeen & qaybaha kala duwan maamulku ka kooban yahay.