Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Salem Al Nuaimi.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna ka fulisaaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.