Guddoomiyaha heya’adda maaraynta masiibooyinka oo kulan la qaatay safiirka Imaaraatka u fadhiya Soomaliya

469

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, iyaga oo ka wada hadlay doorka dowladda Imaaraadka ee la tacaalida arrimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta.

Maxamuud macalin Guddoomiyaha heya’adda maaraynta masiibooyinka ayaa ugu horeyn dowladda iyo shacabka Imaaraatka uga mahadceliyay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed,isagoo sidoo kale ka codsaday in ay sii wadaan dadaalka iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiayaha ayaa Safiirka ka hadlay in dowladda Imaaraatku kala shaqayso sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xorreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Dowladdaha Imaaraatka iyo Soomaaliya ayaa waxa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah kaas oo ay iska taageeraan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha,waxbarashadda,ganacsiga iyo arrimaha gargaarka oo dowladda Imaaraatku garab ka siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed