DFS & ATMIS oo xoojinaya howlgallada ka dhanka ah Maleyshiyaadka Al shabaab

471

Dowladda Federaalka Soomaaliya & Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ku ballamay xoojinta howlgallada ka dhanka ah Maleyshiyaadka Al shabaab ee ka socda Gobollada Dalka si looga qabsado deegaannada ay joogaan.

Shir jaraaid oo wadajir maanta ay u qabteen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska XFS Daauud Aweys Jaamac & Madaxa ugu sarreeya howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS Danjire Souef Mohamed El-Amine waxa ay ku sheegeen in ay xoojinayaan howlgallada socda.

DFS & ATMIS ayaa tilmaamay in wadajir howlgal ay u fuliyeen ciidamada labada dhinac oo iskaashanaya oo ka dhacay Deegaanka Danoow Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed lagu dilay 23 xubnood oo katirsan Maleyshiyaadka Al shabaab

Dowladda Federaalka & Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in diyaargarow xooggan loo galay wajiga xiga ee howlgallada Maleyshiyaadka Al shabaab looga qabsadano deegaannada dhaca Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda waxa ay Maleyshiyaadka Al shabaabka qabsadeen deegaanno dhowr ah oo qaarkood in ka badan 10 sano gacanta ay ku hayeen Maleyshiyaadka Al shabaab