Taliyaha guud ee qaybta Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa war uu soo saara wuxuu kaga hadlay weerarki shalay lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha.
Taliyaha ayaa u mahadceliyay ciidamada ammaanka oo si weyn uga qayb qaatay labadaasi dhacdo oo ahaa kuwa is xi xigay.
Sidoo kale wuxuu tacsi u diray askartii ku dhintay weerarka lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadidr, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.
Macallin Mahdi ayaa markale ka dalbaday shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo sugo amniga guud ee caasimadda.