Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la kulmay wafdi ka socdo dalka Yemen

518

Guddoomiyaha Golaha Aqalka SareĀ  ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee dalka Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak, oo booqasho ku jooga Dalka.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee labada dal, dhibaatada argagixisada iyo sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada Dal.

Guddoomiyaha iyo Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka arrimaha dibadda XFS, Mudane Abshir Cumar Jaamac iyo xubno kale.