
Maxkamadda Imaaradda Islaamka ee dalka Afgaanistaan ee ku taalla magaalladda Khandahaar ee Koonfurta dalkaasi waxay Xukun Jeydal ah ku fulisay 9 qof oo lagu soo oogay inay geysteen Dembiyada kala ah Sineysi iyo Tuuganimo.
War Saxafadeed ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka ee Gobalka Khandahaar waxaa lagu sheegay in Dadweyne aad u badan isugu yimaadaan Garoonka Ciyaaraha ee magaalladda Khandahaar, halkaasi oo lagu fuliyey Xukunka xadka ee 9-ka Eedeysane.
Dhanka kale, Ilo-wareedyo Rasmi ah ayaa sheegay in Maamulka Imaarada Islaamka ee Afgaanistaan ay Xukun Tacsiir (Jaydal) ku fuliyeen Nin iyo Naag goob Fagaare ah oo ku taalla Gobalka Badakhshan ee W/Bari ee dalkaasi.
Eedeysanayaashaasi ayaa waxaa lagu helay arrimo ka baxsan Guurka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







