
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Cabdirashiid Xaji Cabdi, ayaa maanta hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BFS, waxaana uu uga war-bixiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshe hawleedka 2023, caqabadaha jira iyo guud ahaan waxyaabahii u qabsoonay sanadkii hore.
Wasiirku, wuxu sidoo kale halkaas guddiga la wadaagay warbixinno ku saabsan horumarada laga sameeyey dhinacyada horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha, Maalgashiga, iyo weli ba sidoo kale hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Isaga oo u gudbiyey liiska shuruucda iyo heshiisyada u qorsheysan inay u soo gudbiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ahmiyad weyn u leh horumarinta iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliyeed.