Banaanbax Ballaaran Oo Maanta Ka Dhacaya Muqdisho Iyo Abaabulkii Ugu Danbeeyay Oo Socda

763

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Garoonka Kubadda Cagta Eng Yariisow Ex Koonis lagu qabto bannaabax ay dowladda Soomaaliya ugu magac dartay kacdoon Shacab.

Bannaanbaxa oo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka qeyb galaya inta badan Shaqaalaha dowladda, waxaana uu yahay mid looga soo horjeedo ururka Al-Shabaab oo hadda dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wada abaabulkii ugu danbeeyay ee qabsoomida banaanbaxa oo saacadaha soo socda la filayo inuu ka bilowdo Garoonka kubada caggta ee Injineer Yariisow, oo ay tagi doonaan dadweyne farabadan oo ka qeyb galaya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in inta badan badan mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa Maamulka Gobolka ay ka qeyb geli doonaan banaanbaxa ballaaran ee ka dhacaya, isla markaana lagu taageerayo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waddooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho ayaa la xiray, waxaana lagu daadiyay ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay maraan, waxaana shacabka ay yihiin kuwo lugeynaya.